Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Xaafad ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, xili ay ku sugnaayeen halkaas.
Goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay may qura rasaas badan si kedis ah ay ugu fureen Askarta Booliska aheyd xili ay isla hadlayeen, iyagoo kadibna la sheegay inay goobta ku dhinteen.
Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska ayaa si Deg deg ah u tegay goobta uu dilka uu ka dhacay, iyagoo halkaas ka soo qaaday Meydadka Askarta geeriyootay, waxaana mid kamid ah Askartaas ay aheyd Haweeney.
Ragii hubeysanaa ee dilka geystay ayaa la tilmaamay inay goobta uga baxsadeen luuq yar oo halkaas ku yaalla, waxaana Ciidanka amniga degmada Dharkeenley ay sameeyeen howlgal lagu raadinayo ragii falkaas fuliyay.
Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya weli ka hadlin dilkii xalay loo geystay Askarta ka tirsaneyd Ciidanka Booliska dowladda, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan.