Madaxweyne Bah Ndaw oo ku dhawaaqay Golle Wasiiro Cusub

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, ayaa ku dhawaaqay Gole wasiiro oo ka  kooban 25 xubnood,isla markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan militriga , kuwaas oo qaban doona. xilal muhiim ah.

Digreetada Madaxweynaha oo laga akhriyay telefishinka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta qaban doonaan saraakiil ka tirsan militiriga.

Madaxweyne Ndaw oo qudhiisa ahaa sarkaal ka tirsanaan jirey ciidanka cirka ayaa noqday dooqa koowaad saraakiisha afgembisay dowladdii madaxweyne Ibrahim Bobakar Keite bishii August ee sanadkan.

Magacaabista madaxweyne ee Ra’iisul wasaare rayid ah ayaa laga yaabaa in ay keento in urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS in ay qaadaan xayiraadii Mali ku soo rogeen ka dib afgembigii August.

Col Sadio Camara, oo kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay afgembiga ayaa noqon doona wasiirka difaaca, iyadoo afhayeenkii afgembiga Col-Maj Ismaël Wagué, loo magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta qaran. Jagooyinka muhiimka ah ee loo dhiibay rayidka waxaa kamid ah xeer ilaaliyihii hore Maxamed Sidda Dicko oo loo magacaabaay waaxda garsoorka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media