Madaxweyne African ah oo hanjabaad u diray Qaxootiga Dalkiisa ku sugan

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yidhi “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” ayuu yidhi.

Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.

Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor