Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhaba iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo talaado ah waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dhiirogelinta iyo ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ka furmaya Baydhabo, lana doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweynaha ayaa markii uu tago magaalada waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo musharaxiinta mucaaradka Lafta-gareen oo iyaguna tagaya Baydhabo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi oo lasoo dhigay ciidamo badan oo sugaya ammaanka Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo dhigay gogosha shirka  dib u heshiisiinta ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxa uuna halkaasi ka wadaa shirar hor dhac ah oo looga arrinsanayo shirka weyn ee furmaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor