Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland waxa ay maanta kulan xasaasi ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Labada Maamul waxa ay si qoto dheer uga hadleen Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Galkacyo iyo sida loo damin karo in Xiisad Markale ay Galkacyo kasoo Cusboonaato.
Kulanka waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen Qodobo dhowr ah oo Labada mas’uul ay isku afgarteen waxaana qodobadaasi ka mid ah:-
1- in si deg deg ah la isugu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo la kala qaadayo ciidamada.
2 In Magaalada Galkacyo la geeyo Ciidamo Boolis oo isku-dhaf ah sida ugu dhaqsiyaha Badan.
3- in Bisha Feberaayo Markale la isugu yimaado Miiska wada hadalka .
Dhinaca kale, Kulankaasi waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Soomaliya, Micheal Keating iyo xubno kale.