Saacadaha soo socda ayaa lafilyaa in Magalada muqdisho ay soo gaaraan Madaxda maamulada Jubblanad iyo Puntland, waxaana socda diyaar garoow ku aaaddan sidii loo soo dhaweyn lahaa madaxda iyo Wafdigooda.
Wafdi horudhac aya soo gaaray muqdisho kuwaas oo ka socda labada dhinac ee Axmed maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxaana wafdi hordhaca ah ee Siciid Cabdullaahi ay muqdisho soo gaareen Maalin ka hor iyadoo la arkayay Ciidamo gaar ah oo ilaalin doona wafdiga Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.
Labada madaxweyne ayaa Muqdisho kulan kula qaadan doona Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xariira siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxaana labada Mas’uul ee Jubbland iyo Puntland ay horay isaga diideen in ay ka qayb galaan Shirkii Dhuusamareeb ee lagu soo go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.