Lubnaan oo loogu baaqay in ay qaadato calmaaniyadda iyo Macron oo deg deg ku tagi doona Beyruut

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka calmaaniyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay qaabka keliya ee “lagu ilaalin karo wadaniyadda” isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi.

Mr Cawn ayaa sheegay in awood qeybsiga ku salaysan diimaha ay dalkaasi ku habooneyd 1980-maadkii, xilligaasi oo uu ka soo baxayay dagaal sokeeye, balse hadda ay caqabad ku tahay horumarka iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Waxa uu ka hadlayay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaanta maanta jirta.

Xilalka ugu sarreeya dalkaasi ayaa hadda lagu qeybsadaa qaab diini ah. Misheel Cawn oo madaxweynaha ah waxa uu ka soo jeedaa Masiixiyiinta Lubnaan, halka ra’iisal wasaaraha uu yahay nin Muslim Sunni ah, afhayeenka baarlamaankana laga dhigo qof Muslim Shiici ah.

Xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa is-casishay 10-kii August kadib markii uu dekadda caasimadda Beyrut ka dhacay qarax xooggan oo khasaaro badan dhaliyay.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi ka dhashay 2,700 tan oo ah maadada ammonium nitrate, taasoo si ka fiirsasho la’aan ah loogu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

Tan iyo waagaasi waxaa jiray dedaallo lagu soo dhisayo xukuumad cusub. Wararka ayaa sheegaya in danjiraha Lubnaan u fadhiya Jarmalka, Mustafa Adiib, ay u badan tahay inuu xilkaasi qabto kadib markii uu taageero ka helay dhinacyada ugu muhiimsan siyaasadda waddankaasi.

Lubnaan ayaa waxaa haysta dhaqaalo xumo baahsan, oo waxaa cayrtoobay tobanaan kun oo qof. Arintaasi ayaa dhalisay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda.

Haddii aanay waxba isbedelin, waxa ay u badan tahay in danjire Mustafa xilkaasi loo magacaabo Isniinta maanta ah.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa lagu wadaa in isla maanta uu booqdo caasimadda Beyrut, si uu hogaamiyayaasha Lubnaan ugu cadaadiyo inay keenaan isbedal wax ku ool ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media