Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay xirnaashaha waddooyinka ugu Muhiimsan Caasimadda, waxaana xiran sida la sheegayo waddooyinka ugu waa weyn ee la isticmaalo.
Waxaa waddooyinka lagu arkayaa Ciidan farabadan oo waddooyinka ka joojinaya Gawaarida dadweynaha, waxaa sidoo kale dadka shacabka ah ay isticmaalayaan waddooyinka xaafadaha.
Waddooyinka waaweyn ee Magaalada ugu muhiimsan ayaa loo diiday inay isticmaalaan gaadiidka caadiga ah, waxaana lagu amrayaa in ay waddada ka laabtaan, maaddaama ay saaka yihiin kuwa xiran waddooyinka waaweyn iyo sidoo kale isgooysyada inta badan Magaalad ugu caansan.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo sidoo kale laaamaha ammaanka kama hadlin sababta ka danbeysa in la xiro waddooyinka, waxaana dadka qaar ay shegayaan in arrintaani ka danbeyso safarka la filayo in muqdisho ay yimaadan Madaxda maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.