Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo xoogan saakay ay ka taagantahay deegaanka Xananbuur ee Gobolka Galgaduud.
Xiisadaan ayaa u dhaxeysa Beelo walaalo ah oo halkaa wada daga waxaana ku baxay Ciidmo Iskugu Jira Booliiska Galmudug, Nabad Sugida Qaranka Ee Nisa iyo Milatariga Kuwaa Oo gaaray halkaas gelinkii dambe ee shalay.
Taliyaha Boliska Galmudug Garanaal Bishaar Abshir Geedi ayaa ku amray Ciidamada Amaanka in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanka.
Dhinaca kalana waxaa lagu wadaa in deegaanka ay gaaraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug si ay dhinacyada xiisadu ka dhaxeysa ay heshiis u dhex dhigaan.