Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 05 Maarso 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Somalia oo ka mid noqotay Guddiga Fulinta ee Hay’adda ACSAD, Xasan Xanafi oo cadaaladda la hor-geeyey, Al-Shabaab oo laga saaray deegaanada Caad & Ceel-Cabdi, Talyaaniga oo qalab ciyaaraha guddoonsiiyey Gabdhaha Kubadda Koleyga, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo mashaariic xariga ka jaray, Taliyaha Booliiska oo tababar u furay 40 sarkaal, Dadkii ka danbeeyey Qaraxyadii Baydhabo oo la soo qabtay, AMISOM iyo ciidanka XDS oo la tayeynayo si Al-Shabaab looga guuleysto, Xarunta Degmada Xudur oo la daahfuray iyo Midowga Yurub oo gaadiid iyo qalab ku wareejiyey Wasiirka Amniga.

Somalia oo ka mid noqotay Guddiga Fulinta ee Hay’adda ACSAD

Shirkii Golaha Guud ee Xarunta Daraasaadka Degaanada Qalalan iyo Dhulka Qarfaha ee waddamada Jaamacadda Carabta ayaa 2dii Maarso 2016 ka furmay dalka Masar. Kulanka waxaa guddoominayay Wasiirka Beeraha & Xanaanada Xoolaha ee Masar Dr Cisaan Faayed iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda “ACSAD” oo Jaamacadda carabta u qaabilsan Cilmi baarista Deegaannada qallalan iyo Dhulka qarfaha Dr Rafiiq Saalix. Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo daraasaad ku saabsan shaqooyinka xarunta ee ka hortagga abaaraha, nabaad-guurka iyo horumarinta daraasaadka ku saabsan daaqa xoolaha iyo biyaha. Soomaaliya Shirka waxa uga qaybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Wafdi la socday. Shirka oo ahaa mid muhiim ah Soomaaliya waxay ku guuleysatay in loo doortay xubnaha Guddiga Fulinta ee labada Sano ee socota. Waxaa kaloo go’aanadii lagu gaaray kamid ahaa in Xarunta ACSAD si dhakhso ah uga howlgasho Soomaaliya oo dhamaan mashaariicda xaruntaasi laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.

Xasan Xanafi oo cadaaladda la hor-geeyey

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 3dii Maarso 2016 u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab kaas oo ka dambeeyay dilka wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo lagu diley magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in markii ay qaaddiyaasha maxkamadda ay arkeen cadeymaha la horkeenay in markhaatiyaashii ku marag furey eedeysanaha ay ku xukuntay dil toogasho ah gacan ku dhiigle Xasan Xanafi Xaaji C/salaam. Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan uu ka dambeeyey dilka wariyeyaasha kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Sheekh Nuur Abkeey iyo kuwo kale.

Al-Shabaab oo laga saaray deegaanada Caad & Ceel-Cabdi

Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 1dii Maarso 2016 Al-Shabaab laga saaray agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee Gobolka Mudug oo ay ku dhuumaaleysanayeen. Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka Mudane Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada GalMudug ay dagaal ku qaadeen kooxaha nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayey agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi oo dhowaan laga saaray deegaankaas. Wasiir Masegaway ayaa yiri “Dowladda GalMudug oo in muddo ah waday dadaalo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada GalMudug ayaa ciidanku ay 1dii Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey.”

Talyaaniga oo qalab ciyaaraha guddoonsiiyey Gabdhaha Kubadda Koleyga

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Muqdisho 1dii Maarso 2016 oo ahayd mid qalab Ciyaaraha lagu guddoonsiiyey Gabdhaha Kubadda Koleyga Lix Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa tilmaamay in ka gobol ahaan ay ka mahadcelinayaan deeqdaan. Madaxa Ciidamada Talyaniga Col Bernaardo ayaa sheegay in ilaa 2014 ay wadeen taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliya. Ku-simaha Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga Cabdi cabdullahi Baasaale ayaa soo dhaweeyay dhirigelinta Ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Kolayga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo mashaariic xariga ka jaray

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahaana ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa 29kii Feberaayo 2016 waxaa uu xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso. Dhismaha waddadan oo gaadheysa 600 mitir (lix boqol oo mitir) ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “Puntland haysku Tashato”, waxaana iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay waddadan ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso. Munaasabadda xadhig jaridda waddada oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, gaanacsato iyo shirkaddii dhistay waddada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland waxaa uu uga mahadceliyey ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Boosaaso, isla markaana ka duulaya “Puntland haysku Tasho” tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen iyagoo ka shaqaynaya qurxinta iyo soo celinta bilicda magaalada Boosaaso.

Taliyaha Booliiska oo tababar u furay 40 sarkaal

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 29kii Feberaayo 2016 u furay 40 ka tirsan saraakiisha ciidanka booliska, gaar ahan talisyada saldhigyada booliska ee gobolka Benaadir. Tababarkan ayaa socon doono muddo 30 cisho ah, waxaana uu yahay mid sare loogu qaadayo aqoontooda, iyadoo saraakiisha lagu soo xulay imtixaan laga qaaday. Qaar ka mid ah saraakiishan tababbarka loo furay ayaa sheegay in waxyaabaha ay aqoon isweydaarsigan ka kororsadaan ay ugu adeegi doonaan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xusay inay ku faraxsanyihiin tababbarka loo furay. Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo furay tababbarka ayaa saraakiisha kula dar-daarmay inay waqtiga ilaaliyaan oo ay ka faa’iideystaan tababbarka la siinayo, loona baahanyahay in waxyaabaha ay bartaan ay ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan. Tababarada nuucaani oo kale ah ee loo qabanayo saraakiisha ciidanka booliska ayaa ah mid lagu tayaynayo aqoonta ciidamada booliska.

Dadkii ka danbeeyey Qaraxyadii Baydhabo oo la soo qabtay

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, C/laahi Cali Watiin, ayaa 29kii Feberaayo 2016 xaqiijiyay in ciidanka amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen raggii soo abaabulay qaraxyadii 28kii Feberaayo ka dhacay bartamaha Baydhabo. Guddoomiye Watiin ayaa intaa ku daray in baaritaano habeenimadii magaalada laga sameeyay lagu ogaaday in mid kamid ah geerishyada ku yaala magaalada laga soo abaabuley isla markaana ragga gacanta lagu dhigay qaarkood ay qirteen falkaas in ay ka dambeeyeen. Guddoomiyaha Baydhabo ayaa sidoo kale sheegay in ragga la qabtay ay tiradooda u dhaxeyso 6-7 isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad sugidda Koofur-Galbeed Soomaaliya.

AMISOM iyo ciidanka XDS oo la tayeynayo si Al-Shabaab looga guuleysto

Madaxweynayaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ayaa 28kii Feberaayo 2016 kulan ay ku yeesheen magaalada Djibouti ka soo saarey war murtiyeed ay ku caddeeyeen baahida loo qabo xoojinta, tayeynta iyo ka guul gaarista hawlgalka AMISOM ee xasilinta Soomaaliya iyo burburinta kooxda argagixisada ee Al Shabaab. Shirkan oo ay martigelisey Djibouti, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn iyo wakiilo ka kala socday Uganda, Burundi, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midway iyo diblomaasiyiin kale. Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in hawlgalka AMISOM uu guulo badan soo hoyey, balse haatan loo baahan yahay in la tayeeyo, sarena loo qaado waxqabadkooda si guul kama dambeys ah looga gaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, nabad buuxdana loogu soo dabaalo dalka iyo gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo xajiyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in hawlgal milateri oo si wanaagsan la isugu soo dubbariday lagu qaado kooxaha argagixisada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna kulankaasi ka hadley ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay mid lagu taageerayo dadaalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa ay ugu jiraan xasilinta dalka, isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqey muhimadda ay leedahay barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya. Madaxdii kale ee ka soo qeybgashey shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ka jira, isla markaana beesha caalamka ugu baaqey inay sii wadaan taageerada lagu xajinayo nabadda Soomaaliya.

Xarunta Degmada Xudur oo la daahfuray

Munaasabad lagu daahfuryay xarun cusub oo ay ku shaqeeynayaan Maamulka Degmada Xudur ayna ka qaybgaleen qaybaha bulshada, Maamulka Degmada ayaa 27kii Feberaayo 2016 lagu qabtay xarunta maamulkaasi. Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Degmada Xudur ayaa qeybaha bulshada oo goobta hadal kooban ka jeediyay waxa ay maamulka degmada ku booriyeen dadaalka uu u galay in la helo xarun ay ugu adeegaan bulshada degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran. Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Xudur ahna guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xafladda Aadan Cabdi Abaareey ayaa sheegay in xarunta cusub ay noqon doonto mid loogu adeego bulshada. Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay gacan ka geysteen qeybaha bulshada, waxaana uu intaa ku daray in maamulka degmada ay ka go’antahay horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Midowga Yurub oo gaadiid iyo qalab ku wareejiyey Wasiirka Amniga

Munaasabad lagu qabtay 3dii Maarso 2016 oo ka dhacday Muqdisho ayaa Wasiirka Amniga Mudane Cabdirasaaq Cumar Maxamed waxa uu Midowga Yurub kala wareegay Deeq isugu jirta gaadiid, doomo iyo Qalabka Isgaarsiinta ciidanka oo loogu talagalay Ciidamda Booliiska Soomaaliyeed. Munsaabada waxa kale lagu Bogaadiyay Mashaariicda lagu tababarayo Ciidanka Booliiska ee ay Fulinayso Qaramadada Midoobay isla markaana ay maalgalinayso Midowga Yurub. Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay Dhismaha Hay’adaha Amniga ee Soomaaliya. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso waxa uu tilmaamay deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo kale oo ay ugu talagaleen Ciidanka Booliiska SOomaaliyeed. Wasiirka Amniga Mudane Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa ugu mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda, waxaana uu ciidamada Boliiska uu ku amray in si deg deg ah qalabkani ay ugu shaqeeyaan umadda Soomaaliyeed.

XF 1 XF 2 XF 7 XF3 XF 4 XF 6

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor