Madaxweynaha Ururka Ciyaaraha Africa oo Muqdisho Yimid

Waxaa waxyar ka hor Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka soo dagay madaxweynaha ururuka CAF ee Africa.

Wasiirka Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye  iyo madax ka tirsan xariirka Kubada cagta dalkeena ayaa soo dhaweeyey Masuulkan, oo lagu magacaabo Axmed Axmed, kaasi oo mar dhaweyd loo doortay inuu hogaamiyo ururka ciyaaraha ee qaarada Africa, kana guuleystay guddoomiyihii hore, Ciise Xayaatu oo u dhashay dalka Cameroun, oo muddo 29-sanno hayey Xilkaasi.

Mdaxaweynaha CAF ayaa kulamo la qaadan doona inta uu joogo magaalada Muqdisho madaxda wasaarada ciyaaraha iyo xariirka kubada cagta Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media