Ciidamada Kenya oo qarax miino lagula eegtay Gobolka Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka jubbada hoose, gaar ahaan deegaanka hoosingow ayaa ku waramaya in goor dhow qarax Miino lagula eegatay duleedka deegaankaas kolonyo ka tirsan ciidanka Kenya oo halkaasi marayey.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha qaraxaasi oo waxyar ka hor ka dhacay Hoosingow, iyadoo aan la’ogaan inta uu gaarsiisanyahay.

Goobjooge ayaa Radio Dalsan u sheegay in qarax xooggan oo miinada dhulka lagu aaso lala eegatay ciidamadaasi, hasa’ahaatee aan wali la xaqiijin Karin khasaaraha ciidamada dowladda kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhinacakale war ka soo baxay Alshabaab waxaa lgu sheegay in qaraxaasi Miino ay ku dileen Toddoba askari oo ka mid ah ciidanka Kenya, islamarkaana waxyeelo dhaawac ah ay gaarsiiyeen ciidankaasi, sidookalana Alshaabab warkaas oo ay bartooda Internetka soo dhigeen waxaa ay ku sheegeen inay gubeen mid ka mid ah gaaarida ciidanka Kenya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media