Madaxweynaha Uganda oo sheegay inay wiiqeen awooddii ciiddan ee Xarakadda Alshabaab

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa hadalkaasi ku sheegay Maqaal uu dhawaan uu qoray oo lagu baahiyey Jaraa’idka dalkiisa, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM u itaal sheegteen Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu tilmaamay inay Taliyayaal khubaro ah u soo direen Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka wada saareen magaalladda Muqdisho bishii August 6-dii ee sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kaloo uu Maqaalkiisa ku xusay inay Shiish-yahanadda Ciiddanka Uganda dileen ugu yaraan 320 Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab muddadii u dhexeysay bishii May ilaa September ee sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u yiri.

Museveni waxa uu ku dooday inaysan Dagaalamayaasha Alshabaab awood u lahayn iany dagaal toos ah ama mid jabhadayn ah la galaan Ciiddanka AMISOM, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay Alshabaab haatan beegsanayaan waxa uu ugu yeeray Bartilmaameedyadda Jilicsan ee Rayidka.

 

Madaxweynaha Uganda waxa kaloo uu difaacay joogitaanka Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, wuxuuna sheegay inaysan Muqdisho u imaanin si ay qof kasta ula dagaalamaan, balse ay yihiin Ciiddan loogu talagalay soo-celinta deganaanshaha iyo inay ilaalo ka noqdaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxa kaloo uu qoraalkiisa ku soo qaatay inaysan Alshabaab doonaynin inay wada-xaajood la galaan Dowladda Federalka, Ururka MidowgaAfrika iyo Urur-gobaleedka IGAD, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu ka hadlay weeraradda ay Alshabaab ka geystaan dalkiisa iyo Kenya, wuxuuna ku eedeeyey inay Dhallinyarro badan ku dagaal geliyaan in dagaal lagula jiro Gaaladda, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kaloo uu ka hadlay Taariikhdii hore ee dad
ka Soomaaliyeed, oo uu xusay inay Soomaalida qeyb ka yihiin dadkii Kushtiga ee Qaaradda Afrika, wuxuuna xusay in qaar ka mid ah dadka Kushtiga ku nool yihiin dalalka Ethiopia, Sudan, Bariga Afrika iyo Koonfurta Masar.MUSEVENI 2

MUSEVENI 3

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor