Hoggaamiyayaal Caalami oo ku kulmaya halkii ay Tahriibayaashii ay Soomaalida ku jireen ku le’deen

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matiyo Renzi iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Europe, Federika Mogherini ayaa la filayaa inay maanta oo Isniin ah Shir Khaas ah ku yeeshaan Markab ku sugan Badda Mediterraneanka, si ay taageero ugu muujiyaan wax-u-qabashadda Tahriibayaasha ku le’anayo Badda.

Saddexda Mas’uul waxay raaci doonaan Markab dagaal oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin, si ay u gaaraan halkii ay ku degtay doonidii ay ku geeriyoodeen in ka badan 800 oo Tahriibayaal ay Somali ku jireen.

Hadal ka soo baxay Ururka Midowga Europe ayaa lagu sheegay inay Madaxdaasi soo indha-indheyn doonaan xaalladda Badda ay Tahriibayaasha naftooda ku soo biimeeyaan iyo inay taageero u muujiyaan qorshaha Ururka Midowga Europe ee lagu badbaadinayo Tahriibayaasha.

Safarkaasi ayaa ku soo beegmay hal toddobaad kadib, markii ay in ka badan 800 oo Tahriibayaal u badnaa Somali ku hafteen Badda, kadib, markii ay la degtay doonidii ay ka soo raaceen Xeebaha dalka Libya.

Dhinaca kale, Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Europe, Federika Mogherini ayaa la filayaa inay Toddobaadkan booqasho ku tagto Xarunta Dhexe ee QM, si ay xubnaha Ammaanka kala tashato sidii loo ansixin lahaa Hawlgalka Milliteriga EU-da ee ka dhanka ah Kooxaha dadka tahriibiya.

Maalinta Arbacadda, waxay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry kula kulmi doontaa magaalladda Washington.

Sidoo kale, Dowladaha Britain iyo Faransiiska waxay doonayaan inay QM ansixiyaan qaraar fasaxayo in Tallaabo Milliteri laga fulin karo Xeebaha dalka Libya, si looga hortago Kooxaha ka shaqeysta Tahriibka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor