Madaxweynaha Talyaaniga oo Masiibo ku tilmaamay boqolaalka Tahriibayaasha Soomaalida ku geeriyootay Badda.

Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Matterella, ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad shalay ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Rome, oo uu Abaalmarino ku guddoonsiiyey Shaqsiyaad.

Waxaana uu tilmaamay inay “Masiibo Tahriib” tahay geerida boqolaalka Tahriibayaasha, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay  Dowladaha Midowga Europe inay qaadaan tallaabo, si looga hortago inay mar kale masiibo ka dhacdo Badda Mediterranean-ka.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ku-dhawaad 400 Tahriibayaal u badan Soomaali geeriyoodeen, kadib, markii ay badda ku lumen, xilli ay ka soo shiraacdeen Xeebaha Masar, kuan soo jeedeen Europe.

Warbaahinta Talyaaniga waxay sheegeen inay Tahriibayaashaasi oo badankooda Somali ahaa ku safrayeen 4 dooni, kuwaasi oo la sheegay inay ku degeen meel ku dhow Badda dalka Masar.

Danjiraha Somalia u jooga Masar, waxa uu sheegay in la la’ yahay ku-dhawaad 400 Tahriibayaal u badan Somalia, iyadoo la soo badbaadiyey 29 qof oo keliya.

Danjiraha oo Wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dadka geeriyooday isugu jireen Somali, Ethiopian iyo Eritrean.

Warkan ku saabsan Tahriibayaasha Soomaalida ee geeriyootay waxaa markii ugu horresay habeenkii Axadda baahisay Laanta Afka Carabiga ee BBC-da.

Waa shilkii Labaad ee ay boqolaal Tahriibayaal ku geeriyoodaan, iyadoo in ka badan 700 Tahriibayaal ah ay sannad ka hor ku geeriyoodeen Markab ku degay meel ka baxsan Jesiiradda Sishiliya.

400+ migrants fleeing Somalia, Ethiopia & Eritrea reportedly drowned heading Egypt to Libya. https://t.co/iOAri5eafv pic.twitter.com/GluznKvgL0

— Kenneth Roth (@KenRoth) April 18, 2016

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor