Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaam Maanta ka qeyb galay Munaasabad loogu baroor-diiqayay dadkii ku dhintay Qaraxii 14-kii Octoober sanadkii 20217-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii Soobe ay ku dhinteen dad farabadan, halka kuwo kalena dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray, isla markaana ay falkaas geysteen dad aan u naxeyn shacabka.
Maxamed Rooble ayaa Culimadda Soomaaliyeed ug baaqay in dadka ay wacyi-gelin u sameeyaan, fahamsiiyaan Diinta, isla markaana ay ka qeyb qaatan sidii loogu hortegi lahaa falalka ay geystaan wax loogu yeero Argagixisida.
Ciidanka amniga dowladda Federaalka ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faray inay sameeyaan kormeer joogta ah, ayna tagaan meelaha dadka shacabka ah ugu sheegayaan inay khatar ka jirto, isagoo shacabka ugu baaqay la shaqeynta laamaha amniga.
Isaga oo sii hadlaayay Maxamed Rooble ayaa waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda uu soo magacaabi doono ay la imaan doonto Istiraatiijiyad lagula dagaalamayo Al-shabaab, isla markaana looga hortegayo wax kasta oo amni darro.
Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe oo ahaa mid musiibo ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs), ayna ku dhaawacmeen boqolaal qof kale, sidoo kalena ay ku burburtay hanti farabadan.