Turkiga oo Maraykanka ka codsatay in loo soo gacan geliyo Sheekh Fatxullahi Gulen oo ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay

Madaxweyne Rajab Erdogan waxa uu Dowladda Maraykanka ku booriyey in loo soo gacan geliyo Sheekh Fatxullaahi Guleen oo ku nool dalka Maraykanka, kaasi oo si xooggan u mucaaradsan Dowladda Turkiga.

Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binaal Yildirim ayaa isagana sheegay  dal kasta oo garab taagan Fatxullaahi Gulan loo aqoonsan doono dal dagaal kula jira Turkiga.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka oo Isbahaysi la ah Turkiga ayaa ka codsatay Dowladda Turkiga inay u soo gudbiyaan caddaymo muujinaya inuu Ninkaasi ku lug lahaa Afgembigii Fashilmay.

Fatxullahi Gulen waxa uu cambaareeyey Afgembiga fashilmay, wuxuuna beeniyey inuu ku lug lahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor