Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal Maanta laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dagaal culus oo khasaaro geystay uu dhex maray ciidamada Amniga Jubbaland iyo Ciidamo kale oo hab beeleed u abaabulnaa.
Afhayeenka laamaha Amniga Jubbaland Siciid Joogsade ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 11 Ruux oo hubeysnaa kuwaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwo abuurayay amnidaro.
‘Ciidamadda Amniga dowlad Goboleedka Jubbland oo Maanta kafuliyay Magaaladda kismaayo Howlgal lagu xoojinayo Amniga Magaaladda ayaa gacanta kusoo dhigay inta uu Howlgalka Socday 11, Ruux oo ahaa koox Hubeysan islamarkaana doonayay in ay Abuuraan xasilooni daro Amni iyaga iyo Hubkooddi.
Dagaalka ka dhacay Magalada Kismaayo inta uu howlgalka socday ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay afar Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Nabadoon Caanka ah Magalada Kismaayo oo lagu Magacabi jiray Xasan Galow.