Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta imaanaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, iyagoo kasoo ambabaxaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa safarkiisa Muqdisho uu ku imaanayo ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana shalay Caasimadda soo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Puntland.

Ujeedka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee looga hadli doona sixida qalalaadka ka jira doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda.

Inta uu Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoona ka wad hadli doona doorashada dhaceysa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galaya Shirka uu Iclaamiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, waxaana sidoo kalena la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha Jubbaland, halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu diiday ka qeyb galka Shirka Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor