Yaasiin Fareey “Xaaladda Roobow in aan ka been abuurno wax nagu kallifaya ma jirto”

Ku-simaha Agaasimaha hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa dhinciisa beeniyay hadal ay ehelada Mukhtaar Rooboow ku sheegeen in warbixinta uu kasoo saaray xaaladdiisa ay tahay mid aan sax aheyn.

Yaasiin Farey ayaa VOA-da u sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku suganyahay guri ku dhex yaalla Xarunta NISA, amnigiisuna uu suganyahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Ku-simaha Agaasimaha hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka ee NISA Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la siidaayo ay ku xirantahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa ay ku sheegtay in xaaladda Caafimaad ee wadaadka Mukhtaar Roobow ay tahay mid wanaagsan, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor