Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa goor dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay kusoo Dhaweeyeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka Gobolka Mudug ee Puntland kan degmada, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa safarkiisu ku qotomaa la kulanka Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo lagu inuu saacadaha soo socda soo gaaro magaalada Gaalkacyo iyada oo kulan xasaasi ah uu dhex mari doono labada masuul.
Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ka wada hadli doona arrimo badan oo quseeya Darisnimada, Maamulada ka wada shaqeynta Amniga iyo La dagaalanka Argagaxisada iyo Arrimo kale.