Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Anita Kiki Gbeho oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweynah Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Weftiga hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo, sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha harsan ee weli horyaalla doorashada iyo Abaaraha.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo kulanka ka hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in wafdiga Qaramada Midoobay kala hadleen dhameytirka doorashada Golaha Shacabka ee gaba-gabada mareysa iyo sidii loogu gudbi lahaa caqabadaha dhiman ee doorashada.
Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.