Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga

Muqdisho, Sabti 09 May 2015 : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ,Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A2452

IB0A2359

IB0A2303

IB0A2376

IB0A2347

IB0A2328

IB0A2299

IB0A2436

IB0A2584

IB0A2503

facebook twitter

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor