Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ay kaga qeyb galayn Shir Madaxeedka 6-aad ee waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development) oo ka furmay Nairobi.
Shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan 37 Hoggaamiye oo ka kala socda Caalamka oo uu ka mid yahay Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe.
Ajendayaasha ugu muhiinsan ee looga haadlayo ayaa waxaa ka mid ah Wershadaynta Nidaaka Caafimaadka, Xoojinta Xiriirka dalalka Afrika iyo Japan.
Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.
Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.
Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.
Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.
—————————-DHAMMAAD—————————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so
Tel: + 254 722 160 335