Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay booqasho hawleed ku tageen magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne.
Madaxweynaha waxa uu saddexdii maalmood ee ugu dambeysay Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Gobalka Hiiraan, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha ku wada nool Gobalka Hiiraan.
Madaxweynaha waxa uu Kulamo Xasaasi ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo uu kala hadlay Xoojinta Nabadda iyo Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe oo lagu wado in lagu qabto magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar.
Kulanka Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Hiiraan ayaa u muuqda mid horumar laga gaaray, iyadoo uu Madaxweynaha kula dardaarmay Odayaasha Dhaqanka inay ka qeyb galaan Shirkaasi, si loo soo dhiso Maamul-gobaleedka Labadaasi Gobal.
Dhinaca kale, Magaalladda Beled-weyne waxaa ka dhacay Dibadbax la soo abaabulay oo lagu diidan yahay inay Reer Hiiraan ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu qabanayo magaalladda Jowhar.
©Radio Dalsan     Â