Madaxweynaha Maraykanka oo weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka, waxana uu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow” ayuu Trump

Ms Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee aqalka Cad bishii November, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka koongareeska Mareykanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media