DEG DEG:- qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka dhacay Magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxaasi lagu bartilmaameed saday Ciidanka dowladda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaanno Daallo oo ka tirasan Degmada Howl-wadaag ee Gobolkani Banaadir, weaxaana la eegtay Ciidamo ka tiranaa Dowladda gaar ahan kuwa Nabad Sugidda oo halkaasi ku sugnaa.

Goob joogayaal ayaa idaacadda Dalsan u sheegay in jugta Qarax ay maqlayeen, waxaana xaafadaha ka agdghaw halka ay waxa ka dheceen laga arkayay uurada iyo Qiiqa qaraxa.

Qaarxa waxaa fuliyay qof haweenay ah oo sida la sheegay isku soo xirtay waxyaabaha Qarxa, isla mar kaana isku qarxisay goob ay ka ag dhawaayeen Ciidan dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda  Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaacmay tiro intaas ka badan oo isugu jira dad shacab ah iyo Ciidanka dowladda.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana istaagay isku socodka guud ee goobta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media