Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Qardho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu Magaalada Qardho kaga sii gudbi doono Magaalada Dhahar, waxaana ujeedkiisa uu yahay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa mas’uuliyiinta magaaladaas iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu degmada Dhahar ka dhagax-dhigo mashaariic horumarineed sidoo kalena u kuur-galo xaaladda bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo hoggaanka dhaqanka degmada Dhahar, isagoona kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira Magaalada iyo deegaanada hoostega.

About Webmaster

View all posts by Webmaster