Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray deegaanka Garacad

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey deeganka Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Goliyaasha Maamulka iyo qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha deeganka Garacad ee Puntland.

Socdaalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee deeganka Garacad ayaa ah ka qeybgalka Furitaanka Dekeda cusub ee laga dhisay deegaankaasi.

Deeganka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa haatan ka socota Munaasabad xarriga looga jarayo wejiga koowaad ee dekadda cusub ee Garacad, sidoo kalena waxaa deegaanka ku sugan mas’uuliyiin farabadan, Ganacsato, Isimo iyo xubno kale oo badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor