Ciidamada Milateriga Dowladda oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay Maanta la wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka Solomaaliya ee Milateriga iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda.

Ciidamada oo ka dhaqaaqay deegaano hoostega degmada Raaga-ceelle ayaa dagaal la’aan qabsaday deegaanka Masaajid Cali Guduud, kadib markii la sheegay inay deegaanka isaga baxeen dagaalamayaashii Al-shabaab oo muddo halkaas ku sugnaa.

Afhayeenka Madaxweynaha Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo Qoraal kooban soo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in si nabad ah Ciidamada kula wareegeen Cali Guduud, isla markaana aysan wax iska caabin ah la kulmin Ciidamada Milateriga.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inay sii socon doonaan, isla markaana ay u dhaqaaqi doonaan dhanka degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Masaajid Cali Guduud la helayo ayaa sheegaya in xaaladda haatan ay tahay mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo deegaankaasi, maadaama laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor