Madaxweynaha Koonfurta Afrika oo lagu casuumay Shir Madaxeedka dalalka horey u maray ee G 7

Madaxweyne Sayral Ramafoosa ayaa sheegay inuu ka qeyb geli doono Shirkaasi oo bishan June 11-da ilaa 13-da ka dhici doona magaalladda KARBIS BEEY ee dalka Britain.

Waxa kale oo sheegay in Kulanka Hoggaamiyayaasha dalalka Kooxda G 7 looga xaaoon doono Ganacsi Xor ah oo Hufan, Isbedelka Cimilada iyo Ka-soo-kabashada Caalamka ee Cuddurka COVID 19.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb geli doona Hoggaamiyayaasha Toddobada Waddan ee xubnaha ka ah Kooxda G 7, kuwaasi oo kala ah Maraykanka, UK, apanj, Raashiya, Kanada, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Casuumaada Shirkaasi ee Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa timid, kadib, markii uu door xasaasi ah ka soo qaatay Hawlgalladii ay dalalka Qaaradda Afrika kaga hortageen Xanuunka Laayaanka ee COVID 19, iyadoo uu Madaxweyne Ramafoosa uu sanadkii hore ahaa Guddoomiye Meertada ee Ururka Midowga Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor