Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Nigeria iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa habeekii xalay aheyd gaaray Magaalada Abuuja ee Caasimadda dalka Nigeria.

Madaxweyne Lafta-gareen oo socdaalkiisa ay ku welinayaan Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ayaa waxaa Magaalada Abuuja kusoo dhaweeyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Nigeria.

Ujeedka Lafta-gareen ayaa waxaa uu yahay Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Gobolka lagu magacaabo Kaduuna ee Nigeria, isagoona kulan la qaadan doona Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Kaduuna kala hadli doono Arrimo ku aadan Xog-wareysi, Iskaashi iyo sidii ay wadashaqeyn u dhexmari laheyd labada dhinac, loona joojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Nigeria.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa horey u soo maray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa halkaas kulan kula qaatay Safiirka dowladda Federaalka ee Itoobiya, isagoo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor