Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wafdiga la socoda ayaa hordhac u ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo Magaalada Marka.
Waxaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.
Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Marka ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada magaalada Marka.