Duqeymo loo geystay Xarumo ku yaalla Sacuudiga

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Droniska ayaa sababay dab qabsaday 2-xarumood oo laga soo saaro saliidda Shidaalka ee dalka Sacuudiga,sida ay ku warameen madaxda (Shirkadda Aramco) ee ay maamulaan dowladda dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday laba xarumood oo laga soo saaro Saliida Shiidaalka,kuwaa oo kala ah Abqaiq iyo Khurais

Madaxda Dalka Sacuudiga ma caddeyn halka laga soo abaabulay weeraradaasi,waxaana intaa la raaciyay in ay socdaan baaritaanno ku aadan shilkaasi.

Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee magaalada Sanca ma xusin wax warar ah oo ku saabsan duqeymanka diyaaradaha Droniska ee gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hoggaaminaayey isbaheysi ciidan oo tan iyo sanadkii 2015-kii la dagaalamaayey kooxda Xuutiyiinta ee maamula qeybo ka mid ah dalka Yemen

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media