Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka Koonfur Galbeed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Laft-gareen oo kasoo laabtay shirkii Dhuusamareeb ee lagu soo gaba-gabeeyay Galmudug ayaa waxaa garoonka diyasradaha uu kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.