Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay Gobolka Jubbada Dhexe.
Wareegtada oo ku taariikheysan 30/12/2018 oo Maanta ku beegan ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe loo Magacaabay Haajir Bile Sugaal.
Gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah Gobolada Maamulka Jubbada ayaa intiisa badan waxaa Maamula ama Gacanta ku haya Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Magacaabista Madaxweynaha Jubbaland Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ay dabasocata xilli uu jiro dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kaas oo midba midka kale ku doonayo in uu Gacanta ku dhigo Gobolkaas.