Madaxweynaha Jabuuti oo Goor Dhaw Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa goor dhaw ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Adan Cadde.

Waxa halkasi ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale oo Dowladda Ka tirsan.

Wariyaha Radio Dalsan Farxiyo Maxamed Xuseen ayaa ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxii ka soo kordha booqashadda Wafdigasi Halkan ayaad kala socon doontaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor