Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Xaaf

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xariiira dadaalada uu Madaxweyne qoorqoor ka wado xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya iyo tan maamulka Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa waxaa uu ku yiri “Waxaan hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku booqday walaalkeey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana ku amaanaya kuna bogaadinayaa howsha wanaagsan ee uu Galmudug ka qabtay”.

Xaaf ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku bogaadiyay sidii ay Galmudug u marti galisay shirkii dhawaan  Madaxada maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka ugu qabsoomay magaalada Dhuuusamareeb

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media