Hay’ad COVID-19 ku tilmaamtay Musiibo tii ugu darneyd ee dunida

Hay’adda caafimaadka  ee WHO iyo khuburo dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shiray saamaynta uu cudurka Corona ku reebay dunida, waxayna warbixin ay soo saareen ku sheegeen in cudurka Corona noqday masiibado caafimaad midii ugu darnayd ama ugu xumayd ee caalamka soo martay.

Waxay sidoo kale intaa ku dartay WHO in cudurka Corona ama Covid-19 uu adduunka kusoo kordhiyay dhibaatooyin salka ku haya dhaqaale xumo iyo caafimaad darro isla markaana uu haleelay dad tiro ahaan gaaraya 16.5 milyan oo ku kala nool adduunka oo dhan.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros adhanom Gebresos ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva  ku sheegay arrimahan iyo kuwo kale oo la xiriira shaqooyinka ay WHO ka hayso caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media