Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay siihayaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Xamsa Saciid Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay Siihayaha wasaaradda Gargaarka XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan (Makaawe). wuxuuna bogaadiyey daddaalka wasaaradda ee arrimaha gargaarka, latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka.
Wasiirka Gargaarka Dowladda Federaalka ayaa Maamulka Galmudug ku wareejiyay agab muhiim u ah in lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda, xili ay jiraan Musiiboooyinka.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey agab loogu tala-galay cimilada iyo tilmaamayaasheeda Musiiboooyinka u gaarsiisay dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka, si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.