Madaxweynaha Galmudug Axmed Axmed Ducaalle Xaaf ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xoogaa ee saakay ka dhacay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweyne Xaaf isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawlad goboleedka iyo ka shacbiga Galmudug, waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii Al-shabaab ay la beegsatay Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah.
Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid laga xumaado waxaana aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah ragii weerarkaasi ka danbeysay ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf.
Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada.