Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee kutimid Allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo goor dhow kooxo hubaysan ku beegsadeen xili uu salaadii maqrib kasoo baxay masjid kuyaala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza.
Alle ha u naxariiste Marxuumka ayaa inta badan waxaa uu kasoo muuqan jiray Warbaahinta gudaha, isagoo hadba falanqayn jiray moowduuca taaaggan ee u baahan in wax badan laga ogaado, waxaana sidoo kale waqtiyadii ugu dambeeyay uu ka hadlayay arrimo dhowr ah oo quseeya marxaladaha dalku ku jiro.
Abwaan Badal ayaa kamid ahaa nabadoonada Galmudug, waxuuna had iyo goor utaagnaa nabadeynta iyo dadaalada dib udhiska dowladnimada Soomaaliya.