Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib markii Magaalada Garoowe oo uu uga qeyb-galay aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faara, iyo Madaxweynihii hore Maxamed Xaashi Cabdi oo labadaba lagu aasay Garoowe.
Garoonka diyaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xubno ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirada maamulkaas.
Madaxweynaha Galmudug ayaa kasoo hor maray dhammaan madaxda maamul gobaleedyada oo Garoowe ku sugan si uu usoo dhaweeyo madax kala duwan oo maalmaha soo socda soo gaari doonta magaalada Dhuusamareeb.