Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib socdaal hawleed qaatay 2 isbuuc ah.
Wefdiga Madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Xubno katisran golleyaasha Xukuumadda & Baarlamaanka, maamulka caasimadda yo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha oo hadal kooban siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareb 3 Waqtigii loo asteeyey uu ku qabsoomayo.