Qoorqoor oo ku baaqay in Deg-deg ah loo soo dhiso Xukuumad Cusub

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Khudbad ka jeediyay Shir Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uga furmay Madaxda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Maamulka Koonfur Galbeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ay u soo dhaweeyeen qodobadii kasoo Shirkii Dhuusamareeb-3 ee looga hadlay Arrimaha doorashada, heshiisna looga gaaray nooca Doorashada ee dalka.

Qooqoor ayaa ka hadlay soo magacaabista la’aanta ah xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii Xildhibaanada Golaha  Shacabka ay xilak qaadis ku sameeyeen Xasan Cali Kheyre oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu ku baaqay in si Deg-deg ah loo soo dhiso Xukuumad Cusub, xili la filayo in dalka Soomaaliya Doorasho ka dhacdo dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Sidoo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka hadlay in Madaxda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay heshiis dhow la leeyihiin dowladda Federaalka, isagoona sheegay in heshiis la leeyihiin dowladda, ayna ku faraxsan yihiin.

“Haddii aan nahay Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxa nala yidhaahdaa Dowlada Federaalka ayey wadashaqeyn dhow leeyihiin, waan ku faraxsanahay oo ku faaneynaa haddiiba nala lahayn dowladda ayey kala fog yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Si kastabta hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weli uusan soo magacaabin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, waxaana dalka Ra’iisul Wasaare la’aan yahay muddo dhow laba bilood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media