Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiativeâ€, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forumâ€, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha gobalka.
Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa dhowaan la qaban doonaa shir saddex-geesood ah oo dhex mari doona Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhici doona magaalada Asmara ee waddanka Eritrea 6da-7da bisha September 2018ka.
Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la’isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.