Guddoomiyaha Xamarweyne oo xabsiga la dhigay kadib Markii uu RW Kheyre ku sheegay xukuumada ugu…

Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye.

Cumar Shariif Maye ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan  ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,iyada oo xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor