Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsiyeeyay geerida xanuunka leh ee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax Ismiidaamin ahaa oo lagula eegtay Magaalada Garoowe.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu khadka taleefanka kula xiriiray Madxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uuna uga tacsiyeeyay geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Alle Caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas oo uu kamid yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal oo haatan lagu dabiibayo Xarun Caafimaad oo ku taalla Garoowe.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khere ayaa tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lala eegtay.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii xalay ee Garowe, Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.