Madaxa Hay’adda UNHCR oo Dowladda Kenya kala hadli doona xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan Dhadhaab

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa la filayaa inuu bilowga bisha soo socota ee May booqasho ku tago dalka Kenya, si uu Madaxda dalkaasi kala xaajoodo qorshaha dib loogu soo celinayo in ka badan 335,800 Qaxooti Somali oo ku nool Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

 

Madaxa Xafiiska UNHCR ee dalkaKenya, Ra’uuf Mazuu ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ka qeyb geli doono Shirweyne Dhaqaale loogu ururinayo  qorshaha dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida.

 

Mas’uulkaasi ma sheegin Kharajka loo baahan yahy si loogu adeegsado hawlaha Qaxootigaasi loogu soo celinayo dalkooda hooyo.

UNHCR waxay ku booriyeen Dowladda Kenya inay dib uga fekeraan qorshaha ay Qaxootiga Soomaalida ugu celinayso dalkooda hooyo, waxaana looga digay Kenya taallaabo kasta oo sharci-darro oo ka horimanaayo Heshiiskii Caalamiga ee QM ee Daryeelka Qaxootiga oo la kala saxiixay sannadkii 1951-kii.

Dhinaca kale, Madaxa UNHCR, Antonio Guterres waxa uu dhowr jeer booqday Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, gaar ahaan markii ay Somalia ka dillaacday Macluusha baahsanayd sannadkii 2011-kii

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor