Maraykanka oo Liiska Madow ku daray Hoggaamiyaha Alshabaab iyo Madaxa Sirdoonka ee Xarakaddaasi

Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Diriye iyo Madaxa Alshabaab ugu qaabilsan dhinaca Sirdoonka, Mahad Karate ku dareen waxa ay ugu yeereen Liiska Madow (Blacklist).

Tallaabadaasi ayaa timid, hal maalin kadib, markii ay Alshabaab sheegeen inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay magaalladda Garowe, laguna dilay afar ka tirsan shaqaalaha shisheeyaha ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Xannaanadda Carruurta ee UNICEF.

Qoraalka ka soo baxay Maraykanka ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Diirite lagu naanayso Abu Cubaydah oo Hoggaanka Alshabaab la wareegay bishii September ee sannadkii hore uu ku shaqeynayo waxa ay ugu yeereen Aragtidii Hoggaamiyihii Alshabaab ee geeriyooday, Ahmed Godane.

Sidoo kale, Qoraalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Madaxa Sirdoonka Alshabaab, Mahad Karate oo loo yaqaano Abdirahman Mohamed Warsame uu kaalin muhiim ka qaato hawlgalladda Amniyaadka, kana mas’uul yihiin weerarkii dhawaan lagu qaaday Jaamacadda Garissa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Maraykanka waxay ku eedeeyeen Alshabaab inay ka dambeeyeen qaraxyaddii badan oo ay ka mid ahaayeen Weerarkii sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha Ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi iyo weerarkii bishan April 2-dii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa ee W/bari Kenya.

Dowladda Maraykanka waxay sannadkii 2008-dii sheegeen inay Xarakadda Alshabaab Somalia u aqoonsadeen waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor